Shan xubnood oo ka tirsanaa Mintidiinta Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo ka dhacday deegaanka Xabaal- barbaar ee Gobolka Baay.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka ee Africa (Africom) ayaa ahaa mid si weyn looga taxaddaray in aysan dhibaato kasoo gaarin Dadka rayadka ah.

War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Africom ayaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Ururka Xaqjirka ah ee Alqaacidda.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe Duqeymahooda dhanka Cirka ah ku dilay dad Shacab ahaa oo aan waxba galabsan laguna tilmaamay Iney Yihiin Al-Shabaab.