Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoogan oo Xalay laba Maleeshiyo beeleed mar kale ku dhax maray Tuulooyin hoos Yimaada Wanlaweyn.

Dadka deegaanka ayaa Sheegay Dagaalka inuu ahaa mid labada dhinac isku adeegsadeen hub wixii karaan kooda ahaa ama gacmahooda markaas ku jiray.

Sido kale waxaa jiro guryo iyo dad lagu gubay dagaalkii Shalay iyo kii Xalay ka dhacay degmamada Wanlaweyn iyo tuulooyin kale oo ku hareereesan.

Wali majirto ciidamo kala dhax galay Labada Maleeshiyo beeleed ee Walaalaha ah, kuwaa oo iska cad goosigooda uu gaaray in Xitaa Nolasha la isku gubo.

Inta la ogyahay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay Dagaalka, waxaana wali is hor fadhiya oo aan kala dhaqaaqin labada maleeshiyo.