Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi deni ayaa Ciidamo Xoogan u diray Magaalada Gaalkacyo ee Caaasimada Ama Xarunta Gobalka Mudug.

Ciidamada ayaa la sheegay iney isugu jiraan Daraawiish iyo kuwa Booliska Puntland oo ka qeyb qaadan doona Amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Sido kale Ciidamadan ayaa la sheegay iney Howlgalo ka dhan ah Amaan darada kusoo laab laabatay gudaha Magaalada ka sameyn doono halkaasi.

Amaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa u muuqday mudooyinkan mid si aad loogu dhax ugaarsado Mas’uuliyiinta Gobalka gaar ahaan Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulada Puntland Iyo Galmudug.

Warar ka madax banaan Howlgalada ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu booqan doono Magaaladaasi, ciidamada la geeyayna Amaanka ay Xaqiijinayaan.

Al-Shabaab ayaa dhowr mar sheegtay Weeraro argagaxiso oo ka dhacay Gudaha Gobalka Mudug.