Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland oo muddo 2 Bilood ah uu tababar ku saabsan miino baarista uu uga socday Rugta ciidamada Madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey Ciidamada loo tababaray Miino Baarista, wuxuuna sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Dowladda in la helay Ciidamo u tababaran ka hortagga walxaha qarxa.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.