Wasaaradda Caafimaadka ayaa Sheegtay in Xanuunka Coronavirus laga helay nin 58 sano jir ah oo kamid ahaa Shacabka ku Nool Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxey sheegtay Wasaarada inuu soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano.

Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8

Tirada bogsashada : 1

Tirada dhimashada : 0

Dhanka Kale Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay in la howlgeliyey sheybaarka dhexe ee Qaranka oo lagu baarayo dadka looga shakiyo iney qaadeen cudurka Coronovirus.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo ayaa shaacisey in hadda wixiii ka dambeeya dadka  lagu tuhmo  in ay qabaa Cudurka coronavirus lagu baari doono Magaalada Muqdisho oo aan loo diri doonin dalka dibediisa.