Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan  ka wada Degmada Wanlaweyn iyo deegaanno ku dhaw dhaw oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Wararka Saakay ka imaanaya ayaa Sheegaya Howlgalka wali inuu socdo, ciidamadana gacanta ay kusoo dhigeen Maleeshiyaad katirsan kwii dagalamayay.

Sarkaal ka tirsan DANAB ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka kasoo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee lagu baadi goobayo dadka hurinaya iyo kuwa ku lugta leh dagaal beeleedyada ka socda degmada Wanlaweyn.

Ciidamada DANAB ayaa degmada Wanlaweyn iyo deegaannada ku dhaw dhaw loo geeyay in ay joojiyaan colaada u dhaxeysa labo beelood oo walaalo ah iyo in sidoo kale qaadaan isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn.