Afhayeenka Maamulka Hirshabeelle Daud Haji Cirro ayaa Sheegay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan inuu Xilkii ku Wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Md Cali Jeyte oo horay xilkaasi looga qaday.
War Qoraal ah uu Bartiisa Facebook kusoo qoray Afhayeen Daud Haji Cirro ayuu ku sheegay inuu xilka wareejiyay Gudoomiyihii hore Gobalka Hiiraan Mudane Caraalle ee uu sheegay Shaqada in laga Eryay ama laga Ceyriyay.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horay u sheegay inuu xilka ka qaaday Gudoomihii hore ee Gobalka Hiiraan Cali Maxamuud Caraale, balse Afhayeenka Hirshabeelle uu Sheegay Shaqada in laga buriyay ama laga ceyriyay sida uu soo qoray.

Sawirka hoose waa xil wareejinta Gudoomihihii hore iyo kan hada ee Maamulka Gobalka Hiiraan.

