Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in dib loo digay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Somalia.
Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta oo ah 20-ka Bisha April 2020,qorshuhu ahaa inuu furmo kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee dib loo dhigay.
Sidoo kale Qoraalka Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa lagu xusay in xilliga ku haboon ee la furi karo kal-fadhiga 7-aad uu Guddoonka dib ka soo shaacin doono.