War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay qarax ay maleegayeen Xubno la Sheegay iney katirsan Yihiin Al-Shabaab oo Miino ay Maleegayeen Laba habeen ka hor kula qaraxday Isgoyska Sos Degmada Hiliwaa ee Muqdisho.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa xaqiijisay in mid kamid ragii aasayay miinadaasi uu ku dhintay isla qaraxaasi,halka labo kalena la qabtay, kuwaasi oo dhawac uu ka soo gaaray falkii ay maleegayeen.
“Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay boogaadinaysaa askarta Soomaaliyeed ee had iyo jeeraale gaafwareega waddooyinkaa maalin walba, Iyaga oo wajaha khataro farabadan ayay ciidanka Xoogga Dalka, AMISOM iyo isbahaysiga caalamigaba diyaar u yihiin in ay sii wadaan la dagaalanka argagaxisada ilaa dadka Soomaaliyeed xor ka noqdaan baqtin iyo argagax.” ayaa lagu yiri.
Laba habeen ka hor Rag miino ku aasayay Isgoyska Soos ayey la qaraxday Miinadii ay dhigayeen, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday kuwii dhigayay.