Askari katirsan Ciidamada Dowladda oo Laba ruux oo Shacab ahaa ku dilay gudaha degmada Afgooye gaaar ahaan halka loo yaqaan Isgoyska Baar Ismaaciil.

Dilka labada ruux ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii uu muran soo kala dhax galay Askariga dilka geystay iyo labada ruux oo markaas la dilay.

Labada ruux ee la dilay ayaa mid waxa uu ahaa rag halka Marxuumka kale ay aheyd qof Dumar ah.

Wali Maamulka kama hadlin dilka labadaasi ruux uu u geystay Askariga katirsan ciidanka Dowladda.