Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta waxaana ay labada madaxweyne ka wada hadleen in baaris dhab ah lagu sameeyo sababtii ka dambeysay diyaaradii shirkada African Airways ee shalay galinkii dambe ku soo dhacday degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Diyaarad waday garab caafimaad oo.markii hore ka duushay Muqdisho oo ka degtay baydhaba uguna sii gudubtay Bardaale ayaa Gantaal lagu dhuftay xili ay dooneysay iney caga dhigato Garoonka Bardaale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cida ka dambeysay soo ridida diyaaradaasi, halka wararka intooda badan ay sheegayaan in ciidamo itoobiyaan ah oo halkaasi saldhigg ku leh ay gantaal ku dhuften.