Faah Faahino dheeraad ah ayaa Kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Duqeymo Xoogan oo la sheegay iney ka dhaceen deegaano iyo Degmooyin Al-Shabaab ay ka Maamulaan Gobalada Dalka

Duqeynta 1aad ayaa la sheegay iney ka dhacday Xero Loogu Maxaadareynayay Dagalamayaal katirsan Al-Shabaab oo Duulaan ku ahaa Deegaanka Baar Sanguuni oo 50KM ujirta magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hawada laga saaray Isgaarsiintii degamda Jamaame oo aheyd goobtii la iskugu keenay Dagalamayaasha Al-Shabaab.

Dhanka kale Duqeynta 2aad ayaa ka dhacday Degmada Jilib ee dhacda Gobolka Jubbada Dhexe halkaas oo la sheegay in lagu dilay Xubin sare oo katirsana Golaha Fulinta Al-Shabaab ama Golaha Shuurada oo Magaciisa lagu Sheegay Amiir Yuusuf.

Dhanka kale Duqeynta 3aad ayaa ka dhacday deegaanka Haway oo dhaca Gobolka Sh/ Hoose, halkaasi oo Saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya ay sheegeen in lagu dilay La taliyihii Amiirka guud ee Alshabaab Sh Abu Cubeyda sida ay xaqiijinayaan ilo kudhow dhow Sirdoonka Soomaaliya Mustaf Caato oo la rumeysan yahay in uu ahaa la taliyahii Gaarka ahaa ee Amiirka Alshabaab ayaa laxaqiiyey geeridiisa saacad kadib markii laduqeeyey Goob uu kusugna.

Sidoo kale waxaa la sheegay Duqeyntaasi in lagu dilay 2 sarkaal iyo 6 dagaalyahan oo ilaalinayay.

Saraakiisha Xuuraanka Soomaaliya ayaa sheegay Mustaf Caato inuu ahaa ninka lagu bedeli Rabay Amiirka Alshabaab ee hada xilka haya Abu Cubeyda waxaana lasheegey in bil ka hor golaha shuurada Alshabaab ugarteen shaqsiga uga mudan hogaanka sare Xarakada oo xiriir la leh Alqaacidda.