Madaxweynaha Dawladda Galmudug,
Mudane: Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’
ayaa maanta horgeeyay Golaha wasiirada cusub barlamaanka si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Kulankan oo qeyb ka ah kalfadhiga 20-aad ee Golaha Barlamaanka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh Ku ansixiyay Xukuumadii dhowaan uu soo dhisay madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye QoorQoor.

78 xildhibaan oo fadhigan Baarlamaanka joogta ayaa dhamaantood ansaxiyay Wasiirada Cusub iyadoo madasha uu joogay madaxweynaha Galmudug kaasoo baarlamaanka ka dalbadey in loo meelmariyo wasiiradiisa si loo dardar galiyo howsha maamulka.