Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Ismiidaamin ahaa oo lagu dilay Gudoomiyihii Gobalka mudug ee dhanka Puntland Iyo 10 Ruux kale oo Shacab ahaa.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu sheegay war kasoo baxay Hogaanka Howlgalada Al-Shabaab.

“Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ku dhintay camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.

Sidoo kale Al-Wararka ayaa intaas ku daray in sedax kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa guddoomiyaha ay iyana ku dhinteen qaraxa.

Dowladda dhaxe ee Soomaaliya iyo Maamulka puntland ayaa wada cambaareeyay Falkaasi lagu dilay mas’uulka katirsanaa Puntland.