Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaciyey inay dhowr qof u hayaan weeraro labadii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay deegaannada Maamulkaas,isla markaana dhawaan dadkaasi Maxkamad la soo taagi doono.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay hayaan dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu dilay Guddoomiyii Gobolka Nugaal,kaa soo 29-kii Bishii Maarso ka dhacay Boosaaso,sidoo kale ay ku raadjoogaan kuwii shalay qaraxa ku dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug.
Ugu dambeyn Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in dhamaan dadkaasi maxkamad la soo taagi doono,isla markaana goob fagaaro ah oo dadka hortooda ah lagu toogan doono sida uu hadalka u dhigay.