Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ayaa sheegay howlgal ka dhacay Deegaanka Leego iney ku dileen Sarkaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo Xuno la socday.

Howlaglka ayaa la sheegay in lagu dilay Amiirkii canshuuraha uqaabilsanaa Al-Shabaab degmada walanweeyn iyo degaanada hoos yimaada waxaa sidookale ciidanka halkaasi ay ku khaarijiyeen labo maleeshiyo oo lasocday.

Taliyaha guutada kumaandooska xoogga dalka ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamadda ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay katimid dadka shacabka wadadaasi isticmaalo ciidanka oo ka jawaabaya cabashada dadka soomaaliyeed inay bur buriyeen gabi ahaanba goobtii lacagaha Canshuuraha lagu qaadayay islamarkaasna lagu dilay Madaxii u qaabilsanaa iyo Ciidamo la socday.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in Sarkaalka howlgalka lagu dilay lagu magacaabo abuu Haashim balse magaciisa oo dhameystiran dib kasoo sheegidoonaan