Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddex deegaan oo ka tirsan Goobaha ay Maamulaan.

Al-Shabaab sheegtay in dad Muslimiin ah oo gaaraya ilaa 15 qofood kuna dhaqan deegaano Iyo Degmooyin katirsan Gobalada dalka ay arkeen dhalashada bisha Shawaal.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha ayaa lagu sheegay in 10 qofood oo Muslimiin ah ay bisha ku arkeen duleedka Gamboole, 3 kalena ay ku arkeen Waraha Dhoobleey halka 2 qofood oo kalena ay ku arkeen Ufuroow

Sidaas daraadeed Maktabka Qadaha ee Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta berri oo Sabti ah ay tahay ciidul Fitri.

Waxaa laga ciidi doonaa deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, halka wadamada intooda badan oo Somalia ku jirto maalinta bari la dhameystiri doono Ramadaan, lana ciidi doono Maalinta Axada oo Sabti naga xigo .