Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Saakay howlgal ka dhan ah Al-Shahaab ka wada duleedka magaalada Dhoobleey.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo kadib markii ciidamada lagu soo wargaliyay iney dhaqdhaqaaq ka wadaan xubno katirsan Al-Shabaab duleedka degmada Iyo Tuulooyin magaaladaasi hoos Yimaada.

Wali wax faah faahin ah kama soo bixin Saraakiisha oo looga hadlaayo Howlgalka, balse wararka ayaa sheegaya inuu wali socdo.