Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa sheegay Al-Shabaab iney kala Wareegeen deegaano badan oo katirsan Gobalka Hiiraan.

Taliyaha ururka 41aad Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ay kula wareegeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isagoo sheegay in ay burburiyeen fariisimo Alshabaab ay dadka baad uga qaada jireen oo ku yaalay deegaanadaas.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay Howlgalkasi inuu socon doono ilaa Al-Shabaab laga saarayo inta badan deegaanada Gobalka Hiiraan.