Wararka Ka Imaanaya Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ayaa sheegaya in Duqeymo ka dhacay halkaasi Khasaare lagu gaarsiiyay Xubno katirsanaaa Al-Shabaab.

Sarkaal katirsan Ciidanka Dowladda Somaaliya ayaa sheegay in Duqeyn ka dhacdey Degmada Jilib lagu Dilay Waaligii ama Gudoomiyihii Al-Shabaab ugu Magacaawnaa Degmada Jilib Sheekh Abuu Basma iyo 12 sarkaal kale oo la Joogtay.

Dhanka kale Duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ayaa la sheegay in lagu burburiyay Xarun ay ku sugnayeen 160 Dagaalame oo katirsanaa Guutada Badda Al-Shabaab.

Saraakiisha wardoonka DS ayaa sheegay in halkaasi lagu garaacay ilaa 6 Gantaal uuna jiro Khasaare Xoogan oo Xarakada gaaaray.

Inta badan Diyaarado ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka iyo Farasiiska ayaa duqeymo ka fuliya Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Saldhigyo ay leeyihiin Al-shabaab ,waxaana Warka ka soo baxaya hay’adaha fuliya Duqeymaha ay Shegaan in ay ku bartilmaameedsadaan Saraakiisha Al Shabaab.
Laakiin Xogaha qaar ee laga helo Goobaha la bartilmaameedsado ayaa waxaa Sheegayaan in ay waxyeelo ka soo gaarto dad Shacab ah,.

Wali wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab.