Wararka ka imaanaya deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo watay gaari Dagaalka ay Jiireen (Dulmareen) 3 Ruux oo wada Saarnaa Mootada Fekon ama nuuca loo yaqaano Laba Lugaaleyda.

Inta la Xaqiijiiyay Saddexdii ruux ee Mootada Wada Saarnaa ayaa Laba ruux oo kamid ahi dhimatay halka uu dhaawac noqday Kii 2aad.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska Ciidanka Xoogga oo Ciidankaasi Mootada Jiiray ee la sheegay iney katirsan Yihiin.