Ciidanka booliska Magaalo Madaxda Caasimada Hishabeelle ee Jowhar ayaa Xalay howlgal dhalinyaro lagu soo qabqabtay oo ka dhacay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayay Amaanka Magaalada Jowhar oo Caasimada u ah Maamulka Hirshabeelle.

Saraakiisha howlgalkaasi hogaamineysay ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen ilaa 20 dhalinyaro ah oo lala Xiriirinaayo falal lidi ku ah Amaanka Magaalada oo qaarkood ay ku jiraan kuwa Isticmaala Maandooriyaha.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay iney sii wadi doonaan Howlgalkaasi Jowhar.