Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa Saakay kulan ku leh xarruunta Guddoonka Iyo Guddiyada ee Villa Hargaysa ee magalaadda Caasimada ah Muqdisho.

Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Soomaaliya mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.

Kalfadhigii uu madaxweynaha furay ayaa waxaa hareeyay Muran iyo Buuq ay sameeyeen Xubno katirsan Xildhibaanada oo aan la dhacsaneen Siyaasida Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.