Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha nabad-sugida gobolka Banaadir ayaa howlgal kormeer ah ku tagay wadada isku xirta Muqdisho iyo deegaanka Jaziira oo mudooyinkii dambe laga soo sheegayay dhaca dhalinyarada u dalxiis aada Deegaan Xeebeedkaasi Jazeera.

Sidoo kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ciidamo boolis ah oo suga amaanka geeyay deegaanka Jazeera oo ay kusoo bateen koox burcad ah oo dhac iyo handadaad u geysta dhalinyarada u dalxiis aada Xeebtaasi.

Hogaanka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale balan qaaday inuu kormeero is daba joog ah oo amaanka halkaasi lagu sugaayo ku aadi doonaan Wadadaaasi.

Dhalinyaro badan ayaa joojiyay aadista Deegaanka Jazeera oo ay qaarkood kala soo kulmeen in lacago baad iyo Moobeeladooda looga soo furtay kadib Dalxiiskoodii Jazeera.