Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Wareysi Afka carabiga ku baxayay Siiyay Teleefishinka Al-Carabi ayaa  ka hadlayo Arimo badan oo la Xiriira Cilaaqadka Soomaaliya Iyo Caalamka gaar ahaan Xiriirka Imaaraarka iyo Soomaaliya.

Danjire Cawad ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu ku xadgudbay Madax bananida Soomaaliya, kadib markii Shirkada DP World ee laga heelay Mashruuc aan dowladda dhaxe lagala tashan ka fulisay dhulka Soomaaliland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay iney iska difaaci doonan damac walba oo lagu kala dhantaali karo midnimada Soomaaliya.

“Shirkadda Dekedaha Dubai DP World waa ay na xumeysay, waxa ay khatar ama halis ku yihiin midnimada dalkeenna, mana joojin wali faragelinta ay nagu heyso, waan dulqaadanay inkasta uu sabarka xad leeyahay, diyaar ayaan u nahay ka dowlad ahaan in aan difaacano wadajirkeeda, danaheena shacabka iyo wax waliba oo meel ka dhac u ah” ayuu yiri.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mahad celin balaaran u jeediyay Xukuumada Turkiga oo uu sheegay Soomaaliya iney ka caawisay arimo badan oo dhaqaalaha Iyo Amniga ku jiraan.

Xukuumadda Turkiga waxa ay garab istaagtay guud ahaan Dalalka Muslimiinta, Soomaaliya qayb ayay ka tahay wadamadaas, Ankara waxa ay Soomaaliya ka garabsiisay arrimo dhowr ah sida daaweynta dadka xannuunsan, Ganacsiga, dhismaha Ciidanka iyo duruufo kala” ayuu kusoo gabagabeeyay.