Maxkamada Al-Shabaab ee Galgaduud ayaa ridday xukun xaddu zina ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyay inuu kufsi ugeystay gabar kamid aheyd dadka deegaanka.

Qaadiga Maxkamadda Ururka Al Shabaab ayaa xukunka ka akhriyay goob fagaara ah, eedaysanaha lasoo dacweeyay oo lagu magacaabo Max’med Yuusuf Max’med iyo Cabdi Fataax Salaad Cabdi kuwaasi ayaa kufsaday gabar ku sugneed duleedka Galhareeri sida uu sheegay Qaadiga fadhiya Maxkamada Al-Shabaab ee Galgaduud.

Ragga xukunka lagu fuliyay ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay in ay kufsadeen gabar iyagoo aan guur horay usoo marin sidaas daraadeed ayay Maxkamaddu ku xukuntay in mid walba lagu dhufto 100 Jeydal islamarkaana muddo sanada ah laga masaafuriyo deegaanada Gobalka Galgaduud.