Waxaa furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ah kii 5-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah dhameystirka dooda ku saabsan xeerka qoondada haweenka.

143 Xildhibaan ayaa goobjoog ah fadhiga.