Wasaarada Amniga Galmudug iyo Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Puntland ayaa sheegay in lagu guulaystay furista waddo weyn oo muhiim u ah magaalada Gaalkacyo, taasoo u xirnayd, xudunna u aheyd colaad iyo iska horimaadyo hubaysan oo ka dhacey sanadihii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo.

maamulada Degmada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin kale ayaa si wadajir ah u furey wadadaas, ayadoo furista jidkaas uu fududeyn doono isu socodka dadweynaha, isdhexgalka bulshada Iyo kor u qaadidda bilcda magaalada Gaalkacyo.

War Kasoo baxay Wasaarada Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay Nabadgalyada Gaalkacyo iney fure u noqonayso in la baabi’iyo raadadkii colaadda, ayna bilaabato rajadii horumarineed ee bulshada.

“Wasaaradda Amnigu waxey soo dhowaynaysaa in bulshadu ay si wadajir ah uga shaqayso nabadda iyo horumarka”