Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo goordhaw ka dhacay degmada Mahaday ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Qaraxa in Jugtiisa aad looga maqlay degmada, balse aan la ogeen khasaaraha ka dhashay.

Wali lama Xaqiijinin Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ka dhacay gudaha Mahadaay gaar ahaan Wadada aada Saldhigga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Magaaladaasi.