Wararka ka imaanaya degmada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu gudaha Magaaladaasi ku dhax maray Al-Shabab iyo Ciidamada Xoogga.

Sarkaal katirsan Ciidanka Dowladda ayaa Kalsantv u sheegay iney iska caabiyeen Weerar kaga yimid dhanka Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay kusoo qaadeen Baladweyne.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney khasaare gaarsiyeen Xubnihii Weerarka ku qaaday Xarun ciidamada Xoogga Soomaaliya ay ku leeyihiin xarunta Gobolka Hiiraan.

Wali wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab.