Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka qaybgalay Munaasabada kooban oo lagu xusayay Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koofureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koofurta ee Soomaaliya.

Ugu horayn Madaxweynaha oo ka hadlayay Arimaha Siyaasada dalka ayaa sheegay in khilaafka mudada dheer ka taagan Arimaha masiiriga ah ee dalka ay yihiin kuwo mar walba dib u dhigaya xasiloonida iyo Hormarka dalka iyadoo Argagixisadu ay fursad qaali ah u tahay kala qaybsanaanta Siyaasadeed iyo Bulsho ee Wali dalka ka jirta iyagoo maalin walba dhiiga Shacabka Soomaaliyeed si macno daro ah u daadinaya, ayuu yiri madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in khilaafka dastuuriga ah ay tahay in lagu xaliyo wixii uu Dastuurku qeexayo iyadoo mar walba ay muhiim tahay Siyaasada loo dhan yahay oo dhamaan dhinacyadu ay isku raacsan yihiin waxaa uu isagoo taas ka hadlaya uu xusay in xeerarka iyo Dharciyada aan dastuurka waafaqsanayn ee uu dhawaanahan meel marinayay Baarlamaanka Federaalka ah aanay ka turjumaynin Sharciga iyo nidaamka ay ahayd in loo maro iyadoo xeerarka qaar ay si weyn u abuurayaan khilaafka Cusub iyo kala qaybsanaan Bulsho.