Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Baydhabo ku dilay Guddoomiyihii Ururka dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee Maamulka Koofur Galbeed Shariif MukhtaarJiis.

Allaah u naxariisto Marxuumka ayaa wuxuu caan ku ahaa u doodista ama u raadinta xaqooda dadka Baahiyaha gaarka ah qaba.

Lama oga wali cida ka dambeysay dilka marxuumka oo 2018kii sidaas oo kale kooxo hubeysan ay dhaawac culus u geysteen.

Wali maamulka Koofur galbeed lama hadlin Dilka Gudoomiyihii Naafada Maamulkaasi.