Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay xalay Munaasabadda Xuska Sanad guurada 60-aad ee Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa hadal jeedintiisii xalay kaga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuu Madaxweynuhu taageeray go’aankii Baarlamaanka Puntland kasoo baxay 29-kii June ee ku saabsana tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneen uu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo calanka saaray saacadu markay gaartay 12-kii habeenimo. Intaasi kadibna waxaa uu ubax dhigay Taalada Calanka ee Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo.