Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Baydhabo ku dilay Guddoomiyihii Ururka dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee Maamulka Koofur Galbeed Shariif Mukhtaar Jiis.

Allaah u naxariisto Marxuumka ayaa wuxuu caan ku ahaa u doodista ama u raadinta xaqooda dadka Baahiyaha gaarka ah qaba.

War Kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay Shariif Mukhtaar Jiis inuu ahaa Sarkaal sare oo katirsanaa hay’adda dambi baarista Soomaaliya ee loo yaqaan CID-da.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay Sharifoow inuu muddo ka badan 10 sanadood la shaqeynayay Hey’ada Dambi baarista.

Sanadkii 2018 ayaa sidaan oo kale Weerar ka dhacay Baydhabo dhaawac loogu geystay Marxuumka Lagu dilay Baydhabo.