Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda oo ka dhacay Maanta Magaalada Dhuusamareeb.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ayaa Kalsantv u sheegay Dagaalka inuu salka ku hayay muran ka taagnaa maalmihii dambe marida ama adeegsiga Barkoontarool oo ciidamada Haramcad ay maamulaan kaasi oo dhowr jeer lagu celiyay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Soomaaliya.
Inta la Xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhaawacmay Dagaalka oo mudo Saacad ah ka socday gudaha Magaalada gaar ahaan Madaxtooyada ilaa Xarunta Nisa ee Magaalada.
Wali wax war ah kama soo bixin taliska ciidanka Xoogga iyo kan Maamulka Galmudug oo looga hadlayo Dagaalka ka dhacay Caasimada Maamulka Galmudug.