Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaalin ahaa oo saakay ka dhacay laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Muqdisho, ka Soo hor jeedka Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Dowladda ayaa sheegay in laamaha aamaanka ay dib kasoo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa, hadana ay wadaan baaritaanka arinkaasi.

Sidoo kale warar ka madax banaan laamaha booliska dowladda ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qaraxaasi ka dhacay Muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay burbur soo gaaray dhimaha xarunta Laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taalla gudaha Dekadda Muqdisho.