Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxii goordhaweed ka dhacay xarunta ilaalinta canshuuraha booliiska ee degmada Xamar Jajab ee Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliiska Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxu ahaa xarunta ilaalinta canshuuraha, balse ciidanku ka hortageen dhagartii cadawgu damacsanaa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Xaqiijiyay inuu socdo baaritaanka la Xiriira khasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo halka uu kayimid gaariga.

Wali lama xaqiijinin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Muqdisho.