Kooxo hubeysan oo Goordhaw Agagaarka Sarta Sarakuusta ee deegaanka Garisbaaleey Dhimasho iyo dhaawac ugu geystay Laba Ruux oo kamid ahaa Maamulka Deegaankaasi Garisbaaleey ee duleedka Muqdisho.
Mas’uul katirsan Maamulka deegaanka ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay Laba Kamid ahaa Maamulka Deegaanka Garisbaaleey midna la dilay midka kalena uu dhaawac soo gaaray.
Sidoo kale wuxuu Mas’uulkaasi sheegay Ragii Weerarka ka dambeeyay in laga dilay hal ruux oo kamid ahaa Kooxdii Weerarka fulisay.
“Koox hubeysan ayaa nasoo weerartay mid ayaan ka dilnay Iyagiina waxee naga dileen la ruux iyo Mid kale oo dhawac ah” ayuu yiri Mid kamid ahaa Maamulka deegaanka Garisbaley.
Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi ka dhacay duleedka Muqdisho.