Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Sh/dhexe.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janeraal , Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in ujeedka howl-galka oo soconayay maalmihii lasoo dhaafay uu ahaa mid lagu doonayay in degaannadaasi looga saaro Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waa qawaariij waxayna mar walbaba dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo hantida shacabka ka dhigtay biil iyo inay Hooyooyinta dhibaataysan dhacaan, taasna waxaan ugu jawaabnay howl-gallo lagu baacsaday cadowga laguna laayay, haddana waa wadi doonnaa Inshaa Allaah” ayuu yiri Janeraalka.

Sidoo kale Taliye Tareedishe ayaa sheegay in ay howl-galka ay ka sameeyeen Sagaal Tuulo oo ay ka mid yihiin Jariirroow, Dhumaleey, Madax Gisi, Saarsaare,Buulo mareereey iyo Gumarreey, isla markaana aysan Al-Shabaab samayn wax iska caabbin kana firxadeen goobihii ay Ciidanku gaareen.

Wali dhanka Xoogga Al-Shabaab wax war ah kama soo bixin oo looga hadlayo Warka Kasoo baxay Ciidanka qeybta 27-aad.