Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga Sida Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamd Cabdi Xayir Mareeye uu u xaqiijiyay Geerida alaha u naxariistee Xasan Abshir.

Marxuum Xasan waxaa uu ku geeriyooday magaalada Ankara ee caasimada Turkiga oo waayahan uu ku xanuunsanaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa u qaaday dalka Turkiga si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

Alaha u Naxariistee Xasan Abshir faarax waxaa uu ra’isulwasaare ka soo noqday Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Madaxweyne cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidookale waxaa uu soo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyaysay geerida ra’isulwasaare hore Xasan Abshir.