Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed oo beryaaanba waday howlgalo ka dhan ah Al-shabaab  ayaa howlgalkii baaritaanka ee ay shalay ilaa maanta ka sameeyeen deegaanada Mubaarak iyo Daarul-salaam ku soo qabteen Hogaamiyaal iyo Xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo ay fulinayeen ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Amiirkii dhinaca Sirdoonka gobolka Shabeelada Hoose Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdulaahi Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa Xubnaha sar –sare ee Maxkamada gobolka Shabeelada hoose sida uu Idaacadda ku hadasha afka Ciidamadda Dowladda usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la soo qabtay Ciidamo gaaraya 5 Ruux, kuwaasi oo ay ciidanka howlgalka ku soo qabteen.