Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe hadda Kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Soo dhoweynta weftiga waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga ayaa ka qayb gelidoona Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax.