Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida  ayaa manta xukun dil toogasho ah ku ridday eedeysane  Liibaan Cabdi Faarax oo ka dambeeyay dilkii marxuum Maxamed  Daahir Siyaad .

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuut oo ku dhawaaqay go’aankaasi dilka ah ayaa sheegay in Xukunsanaha uu haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan, muddo ku siman 30-cisho ka dib xukunka .

13-kii May ee sanadkaan ayay la wareegeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeysane Liibaan Faarax Cabdi oo dilka ka dib u baxsaday Gobolka Mudug.

Eedeysane,Liibaan ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed  Daahir Siyaad, kaas oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.