Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmad Ciise Cawad ayaa beeniyay warar ay qoreen warbaahinda Carabta oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo u direyso Dalka Libya oo uu Dagaal Xoogan ka socdo.
Sidoo kale wuxuu Sheegay Ciidamada Xoogga ineysan aheen Calooshood u Shaqeystayaal.
“Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale, mana jiraan ciidan aan u direyno Libya” ayuu yiri.
Maalmihii ugu dambeeyay warbaahinada qaar ee Carabta ayaa qorayay in Turkiga iyo Qatar ay doonayaan ciidamo katirsan kuwa Dowlada oo Soomaali ah in la geynaayo Dalka Liibiya.