Horjoogayaasha Kooxda Macawiisleeyda ayaa guulo ka sheegtay Dagaal ay la galeen Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaano katirsan Gobalka Hiiraan ee Soomaaliya.

Mid kamid ah Horjoogayaasha Maleeshiyada Macawiisleyda ayaa Sheegay iney weerarkaasi ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii Al-Shabaab ee Magaalada Xeebta ah ee Xarardheere oo la Sheegay inuu ku Sugnaa Gobalka Hiiraan.

Sidoo kale Wuxuu Sheegay iney Dagaalkaasi Khasaare Xoogan ku gaarsiiyeen Xubno katirsan Al-Shabaab oo Weerarka qeyb k ahaa.

Wali wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab oo looga hadlayo Waxa ka jira Dilka Amiir ku xigeenkii Al-Shabaab Magaalada Xaradheere.