Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu Magacaabay xubnaha Guddiga Farsamada ee ka shaqeyn doona hanaanka doorashooyinka xubnaha uga soo aaday maamul gobaleedka Galmudug.

Sidoo kale waxey ku ku biiri doonaan kuwii horay usoo Magacaabeen maamulada dalka.

Akhriso Wareegtada: Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Markuu arkay; qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Galmudug waxayna kala yihiin:-


1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel)
2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale.