Afhayeenka Mintidiinta Al-Shabaab Sh Cali Maxamuud Raage Sh Cali Dheere ayaa ka hadlay Rididii la riday Xukuumaddii uu Hogaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Wuxuu Sheegay in kala qaybsanaanta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ay meesha ka saartay himilooyinkii ay ku taahmayeen iney gaarto Dowladda.

“Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, wadamadii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageerayay ayaa canaan la daba taagan, waliba ka shalaynaya wixii hanta iyo taageero ay ku bixiyeen” ayuu yiri Sh Cali Dheere.

Sidoo kale wuxuu sheegay kala tagii Kheyre iyo Farmaajo iney Waji cusub u hor seedeyso Siyaasada cakiran ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Kalsoonida kala noqday ma riday Xukuumadii uu hogaaminayay Kheyre.