Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Degmada Xamar Jajab gaar ahaan Maqaayada Luul Yamani oo ku dhaw Dekada Muqdisho Iyo Maxkamada Gobalka.

Goobjooge ayaa Sheegaya Qaraxa kadib inuu indhahiisa ku arkayay dhaawacyada Iyo Meydadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya si hordhac uga hadlay qaraxaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Saadaq Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, uuna dhacay xili dad badan ay ka cunteynayeen Luul Yemani.

“Qof Ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyay Maqaayada Luul Yamani ee ku taala Degmada Xamar Jajab, wixii ka Soo kordhana Waan idinla socodsiindoonaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Wixii Kusoo Kordha Kala soco Kalsantv.com