Kadib howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Lafaha-ragga oo u dhow birta dheer, islmarkaana magaaladda kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose u jirta 60 KM ayey gabi ahaanba ku bur-buriyeen saldhig Alshabaab ay ku lahaayeen halkaasi, iyaggoo khasaaro gaarsiiyey  Xubnihii joogay halkaasi, gacantana ku dhigay saanad ciidan, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.

Deegaanka ayaa ahaa xarun ay isaga kala gudbi jireen Ciidamada al-shabaab, waxaana haatan fariisin ka dhigtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka qorsheysan ee ay fuliyeen ciidanka kumaandooska danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa lagu dilay Lix Dagalame sida uu Idaacadda ku hadasha afka Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa inta badan gobolada dalka waxey kawadaan howlgalo ka dhan ah al-shabaab, islamarkaana lagu bur-burinayo Xarumahooda Ciidan.

Wali Al-Shabaab wax war ah kama soo bixin oo looga hadlayo Howlgalkaasi.