Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Gaari laga soo buuxiyey walxaha Qarxa oo gudaha u galay Xerada guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka taasoo ku taalla dhabarka Isbartiibada ama wadada looga leexdo Isgoyska Baar ayaan ee aada Xero cuuryaamiinta ee magaalada Muqdisho.
waxaa goobta soo gaaray ciidamo kale oo katirsan Dowladda iyo Boqolaal Shacab ah oo guryahooda kaga soo baxay Jugta qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan oo laga wada maqlay inta badan degmooyinka Gobalka Banaadir.
wali lama Xaqiijinin Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxaasi oo Ismiidaamin ahaaa.
Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com